Wasaaradda Howlaha guud ee DF oo ku dhowaaqday war farxad leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Howlaha guud,  Dakadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Somalia ayaa ku dhawaaqday war lagu farxo oo ku saabsan waxbarashada dalka.

Muxiyadiin Maxamed Kaalmooy oo ah wasiirka wasaaraddaasi ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda ay dhowaan bilaabi doonto dib u dhiska goobihii Waxbarashada dalka ee ee ku burburay dagaaladii sokeeye.

Kaalmooy  ayaa sheegay in Wasaarada ay ka go’antahay dib u dhiska xarumihii dowladda iyo Kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo intaa ku daray howlahaasi ay goor dhow Wasaaraddu bilaabidoonto.

Waxa uu sidoo kale ka dalbaday umadda Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan howlahaasi dib u dhiska dalka.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in kulankii golaha wasiirada looga hadlay Sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyadii waxbarashada ee lacag la’aanta ahaa sidaasi darteedna ay wasaaraddu bilaabi doonto dib u dhiska dugsiyadii waxbarashada ee ku burburay dagaalada, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ay wasaaraddu si hufan u gudandoonto howlaha ay bulshada u heyso.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho