26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Askari fal yaab leh ka sameeyay Villa Baydhaba

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aanka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada meletariga uu isku daldalay xarunta Taliska Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho.

Sida ay inoo sheegeen sarakiil ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ee Villa Baydhabo, waxaa askariga uu ku jiray xabsi ku yaala xarunta Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in askarigaasi lagu magacaabi jiray Cali Gamuude,kaasi oo xabsiga muddo ku jiray, waxaana sababta loo xiray lagu sheegayaa in lagu dhaqan celinayay xabsiga.

Waxaa saraakiisha ay sheegayaan inaan la ogeyn sababaha ku qasbay in askarigaasi uu isku daldalo, laakiin waxaa jirto cabsi kale oo laga baqayo in askar kale ay isku daldalaan halkaasi.

Xabsi ku yaala Villa Baydhabo ayaa la sheegayaa sidoo kale iney ku xiran yihiin askar kale oo xabsiga loo dhigay in lagu dhaqan celiyo, waxaana dhamaan dadka xiran ay ka tirsan yihiin ciidamada maletariga Soomaaliya.

Ma jiro masuuliyiin ka tirsan saraakiisha ciidamada dowlada oo arintaasi ka hadlay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News