Askari ka tirsan ciidamada Booliska oo dil ka geystay magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada ammaanka qof shacab ahaa ugu geystay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Dilka oo ka dhacay xaafadda Waabari ee Dhuusamnareeb ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyey askari ka tirsan ciidamada Booliska ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in askariga geystay falkaasi dilka ah uu goobta isaga baxsaday, balse haatan lagu raad-joogo, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee Galmudug.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilka uu yimid, kadib markii uu muran soo kala dhexgalay askariga iyo Allaha u naxariistee marxuumka geeriyooday.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo weli baadi-goob ugu jira askariga fakaday, si loo horkeeno cadaaladda.

Ma’ahan dilkii ugu horreeyey ee qof shacab ah loogu geystay Dhuusamareeb, tan iyo markii magaaladaasi lagu daabulay ciidamo badan oo laga qaaday magaalada Muqdisho.