Faysal Cali Waraabe oo wajahaya xasaanad ka qaadis iyo dacwad culus

Hargeysa (Caasimadda Online) Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka UCID Feysal Cali Waraabe ayaa laga xayuubiyay xasaanadda sida ay maanta ku dhawaaqeeen Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland.

Guddiga ayaa hogaamiyaha ku eedeeyay inuu jabiyay qodob dastuuri ah kaas oo ka hor imaanaya midnimada iyo wadajirka Somaliland, waxeyna go’aankaan ku shaaciyeen war qoraal ah oo ay soo saareen.

Caasimadda Online ayaa ogaatay in guddiga ay Feysal Cali Waraabe ku eedeeyeen ixtiraam darro uu u muujiyay dastuurka Somaliland, waxeyna guddiga diiwaan-gelinta xisbiyada ogeysiiyeen iney xasaanadda ka qaadaan si dacwad loogu soo oogo.

Guddiga ma carabaabin sabab kale oo ku riixday iney codsigaan gudbiyaan, balse hadalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli hogaamiyaha xisbiga UCID uu meel fagaare ah ku weeraray Baashe Maxamed Faarax oo ah gudoomiyaha golaha wakiilada.

Feysal Cali Waraabe oo lagu yaqaano hadalada xanafta leh ayaa Baashe ku tilmaamay shaqsi aan miisaan ku laheyn Somaliland isla markaana aan qabiilkiisa ka iibin Karin siyaasadda Somaliland.

Si kastaba hadalka Feysal waxaa lagu tilmaamay mid aan habooneyn oo kala qeybinaya bulshada guud ee Somaliland, waxaana loo aqoonsaday inuu galay dambi qaran.

Xisbiga UCID ayaan ka hadlin eedeymaha ay hogaamiyahooda usoo jeediyeen guddiga joogtada ah ee wakiilada Somaliland.