Mursal oo digniin adag kasoo saaray kuraasta BF ee la-xawilanayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maanta ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta Golaha Shacabka oo hor yaalla golaha ayaa sheegay in kuraasta loo wareejiyey gobollada aysan deganeyn beeshii laheyd ay khatar ugu jiraan inay lumaan.

Guddoomiyaha ayaa si gaar ah ula hadlay xildhibaanada sida ku tala galka ah gobol aysan beeshiisu degin ugu wareejinaya kursiga ay ku fadhiyaan, isagoo uga digay in gursigaas uu marka dambe lumi doono.

“Kuraasta waxaa loogu tala galay in dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay u tartamaan, adiga waxaa laga yaabaa in kursiga inta qaado aad geyso meel aysan deganeyn bulshada oo iska leh kursigaas, waxaana suurta gal ah maadaama aysan beeshii laheyd gobolkaas deganeyn adigana lagaa tira badan yahay kursiga lagaaga guuleysto” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Adiga oo ku fekeraaya sanadkaas in aad soo laabato khatar ha gelin kursiga bulshada aad ku metesho oo xaq u leh inay u wada tartamaan.”

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa sheegay in ciladdaasi ay ku soo noqon doonto dadkii kursigaas iska lahaa, taasna ay u baahantahay in laga fekero inta aysan dhicin.

Hadalka guddoomiyaha ayaa imaanaya iyadoo beelaha qaar ay durbaba bilaabeen  cabasho ay ka qabaan xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka oo haatan doodiisu ay ka furantahay fadhiga golaha shacabka, kaas oo kuraasta qaar lagu qoray gobollo aysan degin beesha iska leh.

Hoos ka Daawo