Video: Xiisad salka ku heysa metelaada Muqdisho oo ka dhex qaraxday Puntland iyo HirShabeelle (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta isugu yimaadeen qaar kamid ah xildhibaanada iyo wasiirrada dowlad goboleedka Hir-shabeelle oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa markii uu soo gaba-gaboobay waxa ay xubnahaasi la hadleen warbaahinta, iyaga oo si adag ugu jawaabay hadalkii kasoo yeeray baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland.

War-saxaafadeed ka kooban 13 qodob oo maanta kasoo baxay kulan ay yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamaya metelaada uu gobolka Banaadir ka helayo golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo Sabtidii lasoo dhaafay ay ansixiyeen xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.

Xildhibaanada maanta shirka jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee ka tirsan baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray baarlamaanka Puntland uu yahay mid aan xilligan loo baahneyn, isla markaana uu kala fogeynayo midnimada umadda Soomaaliyeed.

“Puntland waxaan ka ogolaanay federaal oo ay noo keeneen, gobol wax halagu qeybsado iyagaa keenay waan ka aqbalnay, hal mar ma aanaa dhihin war laba gobol-baad heystaan, marka dooda walaaleheen waxaan u aragnaa inay tahay naceyb ay u qabaan gobolka Banaadir iyo dadka kasoo jeeda, waxaasna ka yeeli meyno Casirkii hadaad warantaana Cishihii ayaan warameynaa,” sidaas waxaa yiri mid kamid ah Xildhibaanada dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

Xildhibaan kale ayaa yiri, “Hadii dowladdii madaxweyne Sheekh Shariif inka shaqeyn weysay, oo tii Xasan Sheekh inka shaqeyn weysay, hadana tan Farmaajo ay inka shaqeyn la’dahay Puntland-ney is xisaabiya inta aan la idin xisaabin, hadii madaxweyne aan garta ogoleyn inta iska soo hor mariseen gadaal ka marteen, oo umadda aadnaa ka qaban, idinkaa la idiin yaabaa.”

Wasiirka amniga Hir-Shabeelle ahna Xildhibaan ka tirsan maamulkaas ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray baarlamaanka maamulka Puntland uu ahaa mid cadiifadeysan, oo Soomaali kala geyn kara.

“Waxaan halkaan uga jawaabeynaa hadalkii xanafta lahaa ee kasoo yeeray baarlamaanka Puntland oo ahaa mid aad u cadiifadeysan oo kala geyn kara Soomaali, waxaan leenahay hadalkaas waxa uu abuuri doonaa in dib loogu noqdo dagaaladii sokeeye” ayuu yiri.

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta qoraalkii kasoo baxay waxay nuqullo ka mid ah ku sheegeen inay sharci darro yihiin 13-ka xubnood ee Aqalka Sare loogu daray gobolka Banaadir, waxayna iyaga oo ka careysan arrintaas xukuumadda madaxweyne Deni ka dalbadeen in aysan ka qeyb gelin shirka uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, kaas oo lagu wado inuu Muwdisho ka dhaco inta u dhaxeysa 5-ta illaa 8-da bishan nasoo aadan ee July.

Hoos ka Daawo