Soomaaliya oo loo doortay madaxweyne ku-xigeenka golaha guud ee QM

New York (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ku guuleystay in loo doorto kursiga madaxweyne ku-xigeenka golaha guud ee Qarama Midoobay, sida goor dhow uu shaaciyey howl-galka Soomaaliya ee QM.

Madaxweynaha Golaha Guud ee QM ayaa horraantii bishan loo doortay Volkan Bozkır oo u dhashay dalka Turkiga, waxaana Soomaaliya ay maanta ku guuleysatay ku-xigeenka.

Safiirka Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle), ayaa noqonaya madaxweyne ku-xigeena golaha guud ee QM ee kalfadhigga 75-aad ee 2020/21, waana markii ugu horreysay muddo 33 sano ah oo Soomaaliya ay xilkan qabato.

Soomaaliya ayaa saddex goor oo horey noqotay madaxweyne ku-xigeenka golaha guud ee QM, kuwaasi oo kala ahaa 1963-1964 oo uu noqday Xasan N. Cilmi, 1979-1980 oo ay kala noqdeen Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Axmed M. Aadan Qaybe, iyo 1986-87 oo uu noqdo Abdullahi D. Osman.