Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo si arxan darro ah loogu dilay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda loogu gaystay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Haanta Dheer oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa gaystay askar kale oo ka tirsan isla ciidamada dowladda, sida uu sheegay qof goojooge ah oo ka dhacday dhacdadaasi.

“Waxaan aragnay nin askari ah iyo niman kale oo 4 askari ah oo murmaayo, kadib is afgara-waa ka bacdi madaxa ayay xabad uga dhufteen, mooto ayayba raaceen” ayuu yiri.

Askariga la toogtay ayuu sheegay in markii hore uu dhaawac soo gaaray, balse uu waayay wax qaado, kadibna ku dhintay waddada dhexdeeda.

“Ninka askariga ahaa wax qaado ayaa la waayay annagana shacab ayaa iska ahayn, waana ku dhiiran weynay inaan qaadno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kal wuxuu intaasi ku daray in maydka marxuumka uu goobta yaalay, isla markaana kuwii dilay ay mooto ka qaateen goobta, ayaga oo sidaas ku baxsaday.

“Sodon daqiiqo ninka nafta waa ku jirtay ka bacdi ayuu dhintay muddo dheer maydkiisa wuxuu iska yaalay laamiga qarkiisa” ayuu mar kale yiri goobjoogaha.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ee ku aadan askarigaasi si arxan darrada ah loo dilay.

Muqdisho ayaa waxaa badanaa ka dhaca isku dhacyo ciidamo dhexdooda ah, waxaana ka dhasha khasaare soo kala gaaray ciidamada iyo shacab ah aan waxba galabsan.