Faah-faahinta QARAX ka dhacay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan agagaarka deegaanka Ceelasha Biyaha, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku socdaalayay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa uu haleelay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo marayay halkaas, waxaana jira khasaare gaaray.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacisay in qaraxaas ay ku dishay laba askari, ayna ku dhaawacday laba kale, sida ay hadalka u dhigtay.

Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegada Al-Shabaab, kamana hadlin weli laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo ganacsiga deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Marar badan ayaa waxaa waddadan qaraxyo miino lagula eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee isaga kala goosha Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda ammaan ee Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran oo ay howlgallo joogto ah ka wadeen ciidamada booliska, kuwa xasilinta iyo hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya.