Xog: Tallaabo siyaasadeed oo cajiib ah: Deni oo xil wasiir siinaya reer Koonfur Galbeed

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa markii u horraysay golihiisa xukuumaddiisa ku soo daraya mas’uul ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xog lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweyne Deni uu hal wasiiru-dowle u magacaabayo dadka ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku sugan Puntland.

Weli ma cadda shakhsiga loo magacaabayo xilkan, balse keliya waxa la xaqiijiyay in madaxweynaha uu wasiiru-dowle siinayo dadka reer Koonfur Galbeed ee ku dhaqan Puntland.

Xogtan ayaa si cad u muujinaysa xaqiiqada warka ku saabsan in Siciid Deni uu yahay musharrax mar kale u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya oo uu laba jeer oo hore ku dhacay.

Waxa la rumaysan yahay in uu magacaabistan u samaynayo si uu codad uga helo xildhibaannada Koonfur Galbeed laga soo dooran doono doorashada 2026.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa saameyn xooggan ku leh doorashooyinka madaxweynaha Soomaaliya ee inta badan ay ku loolamaan siyaasiyiinta kasoo jeeda Hawiye iyo Daarood, waxaana inta badan xilka hela dhinaca ay raacaan.

Tallaabada uu qaadayo Deni ayaa ah isbeddel weyn, maadaama ay sanado un kahor aheyd markii maamulka Puntland uu cunsuriyeyn iyo raaf kula kacay dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ku sugan Puntland.

Si kastaba ma cadda haddii isku dayga siyaasadeed ee Deni uu ka gadmi doono Reer Koonfur Galbeed.