Saraakiil ajaaniib ah oo lagu laayey duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada Hoose

Jamaame (Caasimada Online) –  Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta duqeyn xoogan oo lala beegsaday Al-Shabaab ay ka dhacday agagaarka degmada Jamaame ee gobolkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu dilay 20 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal ajaaniibah.

Sidoo kale qoraalka lagu sheegay in xubnaha la laayay, ayaga oo ku dhuumaaleysanayaa deegaano jinka wabiga, isla markaana hoosta degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

“Duqeymo dhanka cirka ah oo ay iska kaashaadeen Ciidanka Xoogga dalka iyo Saaxiibadood Caalamiga ah, ayaa lala beegsaday dhagarqabeyaal ka tirsan Khawaarijta, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayey deegaano hoos-yimaada degmadda Jammaame ee gobolka jubbada hoose, gaar ahaan dhanka jiinka wabiga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Duqeyntaan, ayaa cadowga waxaa lagu gaarsiiyey khasaaro culus, waxaana looga dilay in kabadan 20 dhagarqabe oo ay ku jireen horjoogeyaal ajaanib ah”.

Ma shaacin dowladda Soomaaliya magacyada xubnaha Al-Shabaab looga dilay duqeynta maanta ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Dhanka kale ma jiro wax hada ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas ee ay guula ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamig ah.

Jubbooyinka oo ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaca duqeymo diyaaradeed oo lala beegsado kooxda, kuwaas oo dhaliyay khasaarooyin xoogan.