PUNTLAND oo billowday howlgal lagu beegsanayo dadka Oromada ah

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xalay howlgal culus ka sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaas oo lagu beegsaday dadka kasoo jeeda dalka Itoobiya ee u badan qowmiyadda Oromada.

Puntland ayaa billowday inay dadkaan ka aruuriso magaalada, waxaana lagu xiray sadhigga dhexe, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Boosaaso.

Inta badan dadkan oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin falalka ammaan darri ee ka dhaca halkaas ayaa laga soo qab-qabtay waddooyinka magaalada.

Mas’uuliyiinta maamulka ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in dadkaan Itoobiyaanka ah dib loogu celiyo dalkooda, maadaama ay tahriib ahaan kusoo galeen Puntland.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa dadka Oromada ah ay kusoo qul-qulayeen gudaha Soomaaliya, waxayna tageen dhowr magaallo oo ku yaalla dalka.

Howlgalkan ay hadda billowday Puntland ayaa si weyn loo dareemay, ayada oo baraha bulshada lagu baahiyay sawirrada Itoobiyaan badan oo gacanta lagu soo dhigay.

Boosaaso ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay weeraro lasoo abaabulay iyo qaraxyo qaarkood lalala beegsaday xarumaha ganacsi ee ku yaalla gudaha magaaladaasi.