Sawirro: Madaxweyne Xasan oo dalab culus u gudbiyay xildhibaanada haweenka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la kulmay haweenka ku jira labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo u gudbiyay dalab culus oo ku aadan arrimaha dastuurka.

Ugu horreynXasan Sheekh ayaa xildhibaannada haweenka ah ee uu la kulmay la wadaagay qorshihiisa dhammeystirka hannaanka dowladnimada, Dastuurka iyo dib u xoreynta dalka.

Sidoo kale wuxuu ku dalbaday in doodaha socda ee ku adan dhammeystirka dastuurka ay ku kabaan arrimaha mudnaanta u leh Guud ahaan haweenka Soomaaliyeed si waafaqsan shareecadda Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in Xildhibaanada haweenka ah ay udub dhexaad u yahiin difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed, madaxbannaanida iyo midnimada dalka.

“Haweenka Soomaaliyeed iyagaa hormuud u ah oo nagu dhiirri geliya difaaca iyo xoreynta, waa kuwa dhexda u xirtay samata-bixinta xilliyadii adkaa. Dalka in uu dastuur dhameystiran yeesho haybad, sharaf iyo karaamo ayaa ugu kordheysa qofkasta oo door ku leh, waxan rabaa in aad uga shaqeysaan si cadaalad ah oo aad ku salaysaan  mabaadii’da aasaasiga ah ee mideynaya Ummadda” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhana ka kale waxa uu soo hadal qaaday caqabadaha hortaagan dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay haweenka Labada Gole ee Baarlamaanka in ay matalaaddooda mideeyaan oo ay abaabulnaadaan si ay u xaqiijiyaan yoolasha ay hiigsanayaan.

Villa Soomaaliya oo gadaal ka riixeysa qorshaha wax ka beddelka dastuurka ayaa maalmihii u dambeeyay waday kulamo wadatashi ah oo ay la yeelaneyso xildhibaanada labada Gole.

Kulankan uu xalay Xasan Sheekh isugu jiray gabdhaha xildhibaanada ah ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Baarlamaanka uu horyaallo ajendi ku aadan dastuurka dalka.