Maxamed Al-Mansouri: Ninkii ka shaqeeyey amniga Muqdisho ee cadowgu ku dhex cunay

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneyl Maxamed Al-Mansouri wuxuu ahaa sarkaalkii ugu sareeyey howlgalka amni ee dowladda Imaaraadka ay ka wado koonfurta Soomaaliya, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii uu xalay laayey askari ka tirsanaa ciidan Soomaaliyeed oo dhawaan tababar ku qaatay xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Howlgalka uu hoggaaminayey Maxamed Al-Mansouri oo xalay lagu khaarajiyey gudaha Muqdisho, wuxuu soo bilowday dhowr bilood kadib, markii xilka uu qabtay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna laf-dhabar u ahaa qorshaha nabad ku soo dabaalidda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa xukunka yimid iyadoo madaxdii ka horeysay ay jooji waayeen weerarrada Al-Shabaab ay ka geystaan Muqdisho, maalin kastana waxaa caasimadda ka dhacayey dilal toos ah iyo qaraxyo dadka Soomaaliyeed loogu laayey si arxan darro ah.

Qorshihii amni ee dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ay dejisay waxaa maalgelin, tababarro ciidan iyo qibrad, intaba looga helay dowladda Imaaraadka, waxaana galkaas gacanta ku hayey Korneyl Maxamed Al-Mansouri oo xalay uu dilay askari Soomaaliyeed.

Dhowrkii bilood ee sarkaalkaas uu ku sugnaa Muqdisho, waxaa lagu guuleystay xakameynta qaraxyadii iyo dilalkii argagixisada, waxaana caasimadda loo tababaray ciidan u howlgala hanaan Boolis-militeri ah, kuwaas oo Imaaraadka ka hela mushaar gaar ah iyo saanadda ay ku howlgalaan.

Al-Shabaab waxay ka quusteen inay Muqdisho ku dilaan dadkii ku dhiiraday inay xoolahooda u diidaan kooxda, maadaama lagu kala adkaaday magaalada, waxaana sidaas ku joogsaday dhiigii dadka reer Muqdisho oo maalin kasta si daran ay u qubi jirtay kooxdu.

Qorshaha dowladda Soomaaliya ee taageerada looga helay Imaaraadka waxaa lagu dhisay guutooyin culus oo ciidan Soomaaliyeed ah, kuwaas oo aan ka xusi karno Boolis-militeri oo ku guuleystay sugidda amniga Muqdisho, Kaalid binu Waliid, Cumar Binu Khadaab iyo Abuu-dujaana, oo ah militeri ku maqan furimaha dagaalka ee Ceeldheer, Maxaas ilaa Camaara.

Dilka Korneyl Maxamed Al-Mansouri ayaa dhabar-jab culus ku ah howlgalkii Imaaraadku ka waday Soomaaliya, waxaana sarkaalkaas toogtay oo si bareer ah nolosha u dhaafiyey mid ka mid ah askar cusub oo Soomaaliya uu u tababaray, kuwaas oo dhawaan hubkooda loo qeybiyey mushaarkoodana loo bilaabay.

Dilka Korneyl Maxamed Al-Mansouri kadib, waxaa soo baxay warar sheegaya in sarkaalkaas oo isku qaabilsanaa howlgallada Imaaraadka ee Muqdisho iyo dalka Yemen, taas oo muujineysa muhiimdda uu dalkiisa u lahaa Korneyl Al-Mansouri.

Kooxda Al-Shabaab oo aad u neceb dowladaha taageera Soomaaliya ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii uu fuliyey askarigaas ku tababartay xerada Jeneraal Goordan, balse ma jirto cid xaqiiji karta in aakarigaas uu gacan saar la lahaa argagixisada, maadaama aysan suurta-geli in la wareysto, waxaana lagu toogtay is-rasaaseyn dhex martay isaga iyo ciidankii kale ee ku sugnaa xerada.

Dilka saraakiishii Imaaraadka, wuxuu Soomaaliya ku yahay mid kamid ah xujooyinkii ugu cuslaa ee dalkaan uu wajaho, waxay toogashadaasi u soo jiidi kartaa Soomaaliya sumac-darro weyn iyo aaminaad la’aan dhanka amniga ah.