Saddex arrin xasaasi ah oo la xiriirta toogashadii lagu laayay saraakiisha Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad labaatan xubnood oo Soomaali iyo ajnabi iskugu jiray ayaa lagu laayay weerar argagixiso oo ka dhacay xarunta Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo kamid ah goobaha lagu diyaariyo ciidanka dowladda Soomaaliya, si gaar ah kuwa ay Imaaraadka taageeraan.

Dhaawac ka badan labaatan ayaa sidoo kale lasoo wariyay. Nin ka tirsanaa ciidanka cusub, balse laamaha amniga aaminsan yihiin inay argagixisada ku soo dhex qarisay ciidanka cusub ee dowladda ayaa fuliyay weerarka xilli xubnaha la laayay salaad ku jireen.

Gudaha Masaajid ku yaalla xarunta Jeneraal Goordan ayaa la sheegay inuu duullaanka ka dhacay, iyada oo aanay hub haysan dadka la laayay. Saraakiil Imaaraadka u dhalatay iyo xubno kale oo ajnabi ah oo la shaqeynayay ayaa sidoo kale ku dhintay weerarkaan.

Dowladda Soomaaliya weli ma aanay bixin faah-faahin dhameystiran oo la xiriira weerarkan, laakiin madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isbitaalka ugu tegay dhaawacyada, waxaana uu kadib sii daayay farriin tacsi ah, oo uu si gaar ah ugu diray dowladda Imaaraadka Carabta.

Wuxuuna madaxweynaha ku amray laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya inay deg deg u keenaan xog iyo warbixin dhameystiran oo la xiriirta weerarkan, oo la sheegay in ninkii fuliyay isla goobta lagu toogtay.

Imaaraadka ayaa si buuxda u maal-galiya ku dhawaad toban kun oo kamid ah ciidanka dhawaan la qoray ee dowladda Soomaaliya. Xarunta xalay uu weerarka ka dhacay waxaa hore u xirtay dowladda madaxweyne Farmaajo, iyada oo dalkana ka saartay macalimiintii iyo howl-wadeennadii u shaqeynayay Imaaraadka, balse dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda dib usoo celisay.

Haddaba weerarkii xalay wuxuu leeyahay dhowr su’aalood oo dowladda Soomaaliya uga baahan faah-faahin dhab ah iyo cashiro.

1. Faah-faahinta dilaaga

Dhamaan ciidanka loo qoro dowladda Soomaaliya waxaa ku qoran oo damiin ka ah dad siyaasiyiin ah. Iyada oo la tixraacayo nidaamka damiinta waa in dowladda bixisa faah-faahin la aqbali karo oo ku saabsan ninka falkaan fuliyay, lana wareystaa qofkii damiintay, taasi oo laga faa’iidi doono adkeynta ama wax ka bedelka nidaamka dammaanadda.

2. Farsamooyinka argagixisada

Khubarada amniga qaar waxay aaminsan yihiin inuu ninkani ahaa xubin argagixisada kusoo darsatay ciidanka dowladda, si uu u fuliyo falka noocaan ah. Waxay caddeyn u tahay inay xaalad walba ku fikirayso argagixisada.

Dowladdana waxaa hadda kadib looga baahan yahay ka baaran-dagid cusub iyo adkeynta habka ku biirista ciidanka dowladda. Gaar ahaan hubinta diiwaanka qofka ee dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

3. Dagaalka ajnabiga

Durba waxaa soo baxaya suurta-galnimada inay arrintaan gacmo shisheeye ku jiri karaan, kuwaasi oo iyaga iyo Imaaraadka ay meelo badan adduunka ah isku hayaan.

Sirdoonka Soomaaliya waxaa hortaalla baaris sirdoon oo qoto dheer oo la xiriirta tuhunka wada shaqeynta argagixisada iyo ajnabiga, taasi oo haddii aan dhab loo wajihin Soomaaliya ka lumin karta saaxiibo badan oo gobolka iyo caalamkaba ah.