Askari ka tirsan ciidanka DF oo dilay darawal mooto Bajaaj

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwna ayaa ka soo baxaya dil maanta wade mooto Bajaajle loogu geystay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu geystay askari ka tirsan ciidanka Taraafikada, kaas oo ku sugnaa gudaha magaaladaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kahor dilka ay murmeen marxuumka iyo askariga, taas oo keentay in uu rasaas u adeegsado wadaha mootada oo isla goobta ku geeriyooday.

Sidoo kale waxaa falkan ka dhashay banaanbax ay dhigeen dadka deegaanka, kaas oo looga soo horjeeday dilka loo geystay marxuumka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saacado kadib goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kala eryay dibad-baxayaasha.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Afgooye iyo saraakiisha laamaha ammaanka ee ku aadan dhacdadaasi.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa sii kordhayay dilal loo geysanayo wadeyaasha kaxeeya Bajaajta oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo shaqo abuur ka dhigtay mootadaasi.

Si kastaba, cabashada dhalinyaradan ayaa gaartay dowladda federaalka waxaana xal u helida dhibaatooyinkan shirar ka yeeshay Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo sidoo kale soo saaray go’aano lagu xakameynayo mootooyinka Bajaajta ee la keeno dalka.