Somaliland oo soo saartay go’aano uga sii daraya dagaalka Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Somaliland oo maanta oo Khamiis ah shir ku yeeshay Hargeysa ayaa ka hadlay dagaalka Laascaanood iyo arrimo kale.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdio, ayada oo ugu horreyn warbixin looga dhageystay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo golaha la wadaagay xog ku saabsan amniga iyo dagaalka Laascaanood.

Sidoo kale Golaha wasiirada ayaa warbixin ku saabsan Dhaqaalaha ka dhageystay Wasiirka Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire oo madasha ka hadlay.

Intaas kadib golaha ayaa diiradda saaray xiisadda magaalada Laascaanood, waxayna soo saareen 4 qodob oo uga sii daraya dagaalka haatan ka socda duleedka magaaladaasi.

Golaha ayaa marka hore boggaadiyay guullo ay sheegeen in ciidanka Somaliland ay kasoo hooyeen dagaalka iyo sida ay u difaacayaan deegaankooda.

Go’aanada ay Somaliland soo saartay ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalkan ay waddo Puntland, isla-markaana ay ku doonayso inay ku samayso xuduud qabyaaladeed.

Halkan hoose ka aqriso go’aanada soo baxay:-

1-Wuxuu goluhu hambalyo iyo taageero u muujiyey ciidamada Somaliland sida ee heeganka iyo difaaca har iyo habeenba ugu jira dalkooda iyo dadkooda sidii ay u difaaci lahaayeen, una sugi lahaayeen amniga guud.

2-Goluhu waxa uu caddaynayaa in dagaalka Puntland ka waddo Magaalada laascaanood uu yahay mid ay ku doonayso in ay ku samayso xuduud qabyaaladeed, kaas oo saamayn ku yeelan kara xasilloonida iyo degenaanshiiyaha Geeska Afrika.

3-Goluhu waxa uu garawsan yahay in ay Xukuumadda Somaliland iyo shacabkeeda Laascaanood ay heshiin doonaan, mar walba oo dagaal dhacana waa laga heshiiyaa, balse Goluhu waxa uu dul istaagay muhiimadda ay leedahay in Laascaanood laga sifeeyo Ciidammada Puntland iyo Kooxaha Argagixisada ah ee ciidamada dagaalka kula jira, si loo sugo Xuduudaha.

4-Goluhu waxa uu iftiimiyey in ay Somaliland mar kastaba diyaar u tahay in arrinta Laascaanood lagu soo dabbaalo nabadgelyo, xabbad-joojin iyo wada-hadal, intaan khasaaruhu intaa ka sii ballaaran.