Diyaarad uu maamulka AXMED MADOOBE u diray GEDO oo loo diiday inay tagto

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaarad uu maamulka Axmed Madoobe u diray degmada Baardheere loo diiday inay tagto halkaasi, oo ay ka taagan tahay xaalad bini’aadannimo oo adag.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, diyaarada ayaa siday gargaar uu maamulka Axmed Madoobe ugu tala-galay dadka ay saameeyeen fatahaadihii dhawan ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa dhawaan guddi u magacaabay xaaladda ka taagan Baardheere, sidii ay u gaarsiin lahaayeen gargaar deg deg ah oo lagu samatabixiyo dadkii ay saameeyeen fatahaadihii dhawaan ka dhacay halkaasi,.

Maamulka Jubbaland ee fadhigiisu yahay Kismaayo ayaa si weyn uga carooday tallaabada lagu hor istaagay diyaarada gargaarka siday ee ay u dirayeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland Axmed Xasan Cumar ayaa si adag uga hadlay is-hortaaga uu maamulka degmada ku sameeyay diyaaradda ay maanta u diri lahaayeen Baardheere, taasi oo uu sheegay in lagu caawinayay dadka aad ugu baahna gargaarka loo siday.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka degmada ay markii hore ka wada socdeen dirista diyaaradda gargaarka siday, balse markii ay ka duuli rabtay garoonka Kismaayo lagu wargeliyay inaysan tegin karin Baardheere.

“Xalay iyo Habeen hore waxaa wada hadleynay guddoomiyaha degmada Baardheere, waxay noo sheegeen inay nasoo dhaweynayaan oo alaabtaas oo dhaweynayaan, maadaama aysan jirin qof siyaasi ah oo alaabtaas la socda. Saaka waxaa soo baxay war ah inaysan ogoleyn in gargaarkaas la geeyo, guddoomiyihii waxaa la siiyay amar ay bixiyeen nimanka madaxdiisa ah,” ayuu yiri

“Waxaa rabaa in shacabka reer Baardheere toos ula hadlo, dhibaato idinku dhacday waan ognahay oo waan ka damqaneyna, asbuucyadaan dhan waxaa ka shaqeynaynay in aan idin soo gurmano, diyaaradii tooska halkan uga soo direynay waxaa diiday qolada meesha joogto guddoomiyaha ha ugu horeeyo iyo qolada gobolka ka shaqeysa.”

Wasiirka ayaa sheegay in uu ka xun yahay in la siyaasadeeyo gargaarka, isaga oo faray dadka reer Baardheere inay iska dhiciyaan masuuliyiinta diidan in gargaar ay u baahan yihiin la gaarsiiyo, “Waxaa ugu baaqayaa shacabka reer Baardheere arrintaan waa inay ka feejignaadan oo iska dhiciyaan nimankaas meesha jooga.”

“Waxaa la yaab leh in dad dhibaateysan oo fatahaad iyo abaaro hore uga horeeyeen in la yiraahdo xitaa alaab idin socota, iskaba daa dad siyaasi ah ee alaab socoto la idinma keenayo. Shacabka reer Gedo dhamaan waa inay arrinta ka dhiidhiyaan oo u istaagan.”

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee gobolka Gedo, islamarkaana dhowr jeer oo ah deegaanadaas loo diiday inay tagaan masuuliyiinta ka tirsan maamulka Jubbaland iyo xildhibaano xiriir dhow la leh madaxweyne Axmed Madoobe.