Daawo: Beelo ay 40 sano colaad ka dhaxeyso oo dib u heshiisiin loogu qabtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada Muqdisho ku martigeliyay madal afurin nabadeed ah iyo gogol daahfur u aheyd dib-u-heshiisiinta beelaha Sacad iyo Wagardhac.

Kulanka ay wasaaradda arrimaha gudaha qabatay ayaa ku yimid codsi uga imaaday labada beel, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

“Kulankan waxaa isla leh, oo uu ahaa codsi odayaal labada beelood ee Wagardhac iyo Sacad, waxa looga hadlayo iyaga ayaan u deyneynaa, inanga gogosha ayaan laheyn,” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Labada beelood ee loo dhigay gogosha dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa la sheegay inay ka dhex jirtay colaad daba-dheeraatay oo 40 jirsatay, wuxuuna kulanka Muqdisho ka qabsoomay hordhac u noqonaya kulamo nabadeed oo kale oo u dhaxeeya labadaan beelood.

“Ujeedka kulanka waa in ay jirto colaad muddo dheer oo 40 sano jirsatay oo dhexdooda taalay, oo aan weli dammin, xilli beelaha kale ay wax badan dhameeyeen, kulankan waa mid horudhac ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in colaadda u xooggan ay ak jirto magaaladii uu ku dhashay ee Galinsoor, “Colaadda waxa ay ka jirtaa Galinsoor oo ah goobtii aan ku dhashay, in aan qeyb weyn ka cayaaro waajib ayey igu tahay, waa wax laga heshiin karo, waayo wixii Soomaali dhexmaray ayaa dhexmaray.”

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah madaxda dowladda oo khudbado ka jeediyay ayaa sheegay in xilligaan colaadda loo baahneyn, iyaga oo kula dardaarmay odayaasha dhaqanka ee labada dhinac in ay ka wada shaqeeyaan nabadda.

Hoos ka daawo