Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha weerarkii qaraxyada ee Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday qaraxyo oo lagu qaaday xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari

Weerarka ayaa waxaa qaaday rag hubeysan oo aan heybtooda la garan, kuwaas oo dhowr bam-gacmeed ku tuuray dhismaha goob laga dukaameysto oo lagu magacaabo Al-Macruuf Supermarket.

Ilo wareeedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in marka hore kooxda weerarka fulisay ay toogasho ku dileen waardiyihii ku sugnaa xarunta, kadibna ay qarxiyeen.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxyada kadib uu dab qabsaday Al-Macruuf Supermarket, kaasi oo dhaliyay khasaare xoogleh, ayada oo goor dambe ay halkaasi gaareen gaadiidka dab-damiska.

Khasaaraha ka dhashay weerarka

Dabka ayaa gebi ahaanba baabi’iyay dukaanka, iyada oo dhismahan uu ahaa meheradda ugu weyn ee laga dukaameysto ee ku yaalla Boosaaso iyo guud ahaan Puntland.

Weerarkan ayaa sababay dhimashada 1 qof iyo dhaawac intaasi ka badan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka.

Sidoo kale khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay weerarkan ayaa gaaraya hal milyan iyo bar doollar, sida ay muujinayo khasaarha hordhaca ah ee illaa hadda la diiwaan-geliyay.

Cidda ka dambeysa weerarkan iyo ujeedka

Weerarkan ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada, sida uu warbaahinta u sheegay Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabddalla Xasan, inkasta oo uusan bixin faah-faahin dheeri ah.

Sidoo kale qaar kamid ah saraakiisha amniga gobolka Bari oo ka hadlay weerarkan ayaa farta ku fiiqay kooxda Daacish, oo iyadu saldhigyo ku leh gobolka Bari.

Weerarkan qaraxyada loo adeegsaday ee lagu qaaday xarunta ganacsi ayaa sidoo kale waxaa loo badinaya inuu la xiriiro lacagaha baada ah ee kooxdaasi ay ka qaado ganacsatada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Al-Macruuf Supermarket ayaa ah xarun ganacsi oo weyn, isla-markaana ah mid casri ah, waana goobtii uu ka dukaameystay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 12-kii bishii January ee 2018-kii, markaas oo uu booqday Boosaaso.