Dagaal u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta oo markale ka billowday galbeedka SITI

Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dowlad-deegaanka Soomaalida, gaar ahaan gobolka Siti ee dowlad-deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in markale uu dagaal ka billowday deegaano ka tirsan galbeedka gobolkaasi, kaasi oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfar.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii ay Canfartu ay weerar kusoo qaadeen deegaano ka tirsan galbeedka gobolka Siti, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan dagaalkan dib uga dhex qarxay Soomaalida iyo Canfarta.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka maanta uu xoogiisa ka dhacay goob lagu magacaabo Dabamara oo dhacda galbeedka gobolka Siti, waxana weli adag sida xog faah-faahsan looga heli karo dagaalkan dib u qarxay ee u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu jiro khasaare, balse aan la caddeyn karin inta uu la’egyahay.

Soomaalida ayaa durtaba guulo ka sheegatay dagaalkan, sida laga soo xiganayo dad ka agdhaw goobaha dagaalku ka socda, mana jiraan illo madax-banaan oo xaqiijin kara sida ay maanta wax u dhaceen.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda dowlad-deegaanka Soomaalida iyo dhinaca dowlad-deegaanka Canfarta ee Itoobiya oo ku aadan dagaalka maanta dib uga qarxay gobolka Siti.

Dagaallada dhex-maraya qowmiyadaha Soomaalida iyo Cafarta ee Itoobiya ayaa ah kuwa soo noq-noqday, waxaana ku dhintay boqolaal qof oo u badan dad rayid ah.

Si kastaba, waxaa gebi ahaanba burburay waan-waan horey la iskugu dayay in xal looga gaaro colaadda Soomaalida iyo Canfarta, kadib markii wax natiijo ah laga gaari waayay.