Guddoomiye Cali Jayte oo qarax lagula eegtay duleedka Beledweyne + Khasaaraha

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, xilli ay marayeen duleedka Beledweyne.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in guddoomiye Cali Cali Jayte iyo ciidamo la socday lagula beegsaday deegaanka Beerxaani ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu qabsaday gaari ciidan oo kamid ahaa kolonyada galbineysay guddoomiyaha oo xalay ku hoyday deegaanka Baardheere ee gobolkaasi.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxaan, halka uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Sidoo kale ciidamada la socday Cali Jayte ayaa howlgal kooban ka sameeyay halka lagu qarxiyay, waxayna kadib sii wateen socdaalkooda, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guddoomiyuhu ku dhawaaqay howlgal culus oo ka bilaabanaya koonfurta Hiiraan, si looga saaro Al-Shabaab.

Kooxda ayaa inta badan ku xoogan deegaanadaasi, waxayna kasoo talaabadaan wabiga, ayaga oo kadib weeraro culus ka fuliya waddooyinka isku xira degmooyinka gobolkaasi.

Dhanka kale Al-Shabaab-ka ku sugan galbeedka Beledweyne ayaa la sheegay inay afduub u heystaan dad u badan odayaal dhaqan oo ka soo jeeda beesha Xawaadle, in kastoo maalmo ka hor ay sheegeen in qaar ka mid ah dadkaas ay ku sii daayeen heshiis ay la galeen beelahooda.

Guddoomiye Cali Jeyte oo hormuud ka ahaa howlgalkii kooxda looga xoreeyey bariga gobolka Hiiraan ayaa dhawaan gaaray magaalada Beledweyne, isagoo ballan qaaday inuu galbeedka gobolkaas ka bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Si kastaba, guud ahaan dalka waxaa ka socda diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo goobaha ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana saraakiisha firfircoon ee dagaalkaas u diyaarsan inay hoggaamiyaan ka mid ah guddoomiye Cali Jeyte.