Askari ka tirsan ciidanka DF oo gabar dhalinyaro aheyd xalay ku dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dila uu xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda ka geystay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dilkan oo loo geystay gabar dhalinyaro aheyd ayaa ka dhacay agagaarka Warshaddii hore ee Caanaha oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xamdi Cabdulllaahi, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Dilkeeda ayaa yimid, kadib markii askariga uu rasaas ku furay mooto Bajaaj ay saarneyd Allaha u naxariisteen marxuumad Xamdi oo xilligaas mareysay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya inuu baxsaday askarigii ka dambeeyey falkaasi toogashada ah, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi.

Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan dilkaasi.

Inta badan ciidamada dowladda ee ku sugan Muqdisho ayaa dilal ka dhan ah rayidka ka geysta gudaha caasimada.