Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyey goorta iyo goobta shirka madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Shirkan oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Casuumadda madaxweynaha ayaa imaneysa dhowr maalmood kadib markii madaxda dowladda iyo madax goboleedyada ay shir horudhac ahaa ku yeesheen aaladda muuqaalka ee Zoom, kaasi oo looga tashanayey qabsoomidda shirkan.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa geeddi socodka dimuqraadiyeed ee dalkeenna,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Waxaa xusid mudan in shirkan uu dhici doono kadib marka ay guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashada ay hortagi doonto baarlamanka, taasi oo la filayo inay noqoto 5-ta July. Xaliimo Yarey ayaa marka hore qorshuhu ahaa inay baarlamanka tagto 27-ka June, hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay toddobaadka xoriyadda dartiis.