Puntland oo go’aan culus ka soo saartay xaaladda dalka iyo arrinta doorashooyinka

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa qoraal ay kasoo saartay walaac uga muujisay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimo doorashooyinka waxaana ay ka degtay inay qaadi doonto tallaabo kasta oo dastuurkeeda uu u ogolaanayo.

Puntland ayaa mar kale ku celisay in qaadacday sharciga doorashada ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya saxiixay 20-kii Febraayo, kaasi oo ay sheegtay inuusan waaqasanayn dastuurka dalka.

“Dawladda Puntland waxay ka walaacsan tahay inaan la tix-gelin is-afgardkii lagu gaaray kulankii maqal-aragga ahaa (Zoom) ee ay yeesheen Madaxda Dawladda Federaalka iyo Madaxda Dawladaha Xubinta ka ah DF oo dhacay 22 Juun, 2020; kaasoo ahaa in la joojiyo doodda Golaha Shacabka ee la xariirta sharciga doorashada,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Puntland.

Puntland ayaa ka digtay in Shuruucda waddanka lagu saleeyo damac-gaar ah iyo rabitaanka Madaxda dalka; iyadoo loo marayo habraacyo aan waafaqsanayn dastuurka ku-meel gaarka ah, laguna dhiiranayo been-abuur iyo isdaba-marin sida ku cad warqadda Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Puntland ayaa sheegtay inay bogaadineyso dadaallada uu hormuudka u yahay Guddoonka Aqalka Sare ee DF, kaas oo ka shaqeeyey in Madaxda dowladda DF iyo Madaxda Dowladdaha xubinta ka ah DF ay isugu yimaadan shir wadatshi oo lagu Iafagurayo arrimaha doorashooyinka 2020/21.

Qoraalka ayaa ugu dambeyn lagu yiri “Dawladda Puntland waxaa ka go’an inay qaadato go’aan kasta oo uu u ogalaanayo dastuurkeedu, islamarkaasna ku xusnaa Go’aannadii ka soo baxay sharweynihii wada-tashaga Puntland ee 15 -17kii bishii Maarso 2020 ka dhacay magaalada Garowe, haddii ay adkaato xal u helidda arrimaha siyaasadeed ee murugsan ee wada-tashigooda loo ballanshan yahay, isla markaasna ay ka waantoobi waayaan madaxda Dowladda Federaalka maroorsiga talada ayaaha dalka iyo hareermaridda Dastuurka. “

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Puntland oo dhameystiran