Nin mindi ku hubeysnaa oo walaalkiis ku dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah falkan naxtinta leh ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kadib markii nin ku hubeysnaa Mindi uu walaalkiis ka yar ku dilay gudaha degmadaasi.

Ninka dilka geystay oo goobta ka baxsaday ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay, Xasan Nuur Ciroobe, halka marxuumka lagu magacaabi jiray, Cabdinaasir Nuur Ciroobe.

Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkaasi oo argagax weyn ku reebay dadka deegaanka.

Qaar ka mid ah dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in falka dilka ah uu ka dhacay afafaaka hore ee gurigooda oo ku yaalla xaafadda Siisii ee degmada Dayniile.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, kuwaas oo bilaabay baaritaan la xiriira dhacdadaasi.

Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan falkan mid ugub ah, iyadoona bishii May ee sanadkan 2020-ka isla Dayniile lagu dilay Marxuum Cabduqaadir Fooldibi oo ahaa guddoomiye waaxeed ka tirsanaa degmadaasi, kadib markii ay Toorey ku soo weerartay xaaskiisa.