Turkiga oo jawaab kulul u diray Faransiiska iyo xiisadda labada dal oo kasii dartay

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegay in mowqifka Faransiiska uu iska indho tirayo xaqa sharciga ah ee Turkigu u leeyahay Bariga Mediterranean-ka, islamarkaana damaciisa xagjirka ah uu dhaawacayo nabadda iyo xasiloonida.

Hadalkan ayaa yimid ayada oo dhowaanahan ay sii kordheysay xiisad u dhaxeysa Paris iyo Ankara ee ku saabsan Libya.

Wasaaradda arrimaha dibedda waxay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku boorisay in uu joojiya talaabooyinka khatarta gelinaya amniga iyo mustaqbalka Libya, Syria iyo Bariga Mediterranean-ka, badelkeedana uu sameeyo hanaan wadaxaajood.

“Faransiiska oo aan xeeb ku lahayn Mediterranean-ka, waa in uu fahmaa in u dhaqanka sidii dal xeeb ku leh aysan xaq u siineyn go’aaminta arrimaha gobolka. Nasiib darro, waa ay iska caddeyd muddo fog in Faransiiska uusan dooneyn in uu horumarka Bariga Mediterranean-ka u qiimeeyo si dhex-dhexaad ah oo caafimaad qab leh,”  ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga.

“Madaxweyne Emmanuel Macron in uu taageeradda Turkiga ee Dowladda Libya ku tilmaamo cayaar halis ah, keliya waxaa lagu sharixi karaa in uu xaqiiqda ka baxsanayo,” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda.

Qoraalka waxaa lagu cadeeyay in Faransiisku uu door muhiim ah ku lahaa in Libya la geliyo qalalaase, uuna cayaarayo “cayaarta qatarta ah” ee Libya, iyadoo sidoo kale lagu sheegay qoraalka in ka aamusnaanta Faransiiska ee faro-gelinta Masar ee Libya ay tahay xaqiiq mudan in la xuso.

Isagoo ka hadlayay hadalkii Macron ee la xiriiray Turkiga iyo Libya, ayaa afhayeenka xisbiga talada haya ee Turkiga (AK Party), Ömer Çelik waxaa uu cambaareeyay mowqifka Madaxweynaha Faransiiska waxaana uu yiri “Faransiisku waa taageereaha siyaasadaha horumarinaya xasilooni daradda Libya iyo Mediterranean-ka.”

“Dadka Libya ayaa go’aamin doona mustaqbalka Libya, Faransiisku ma go’aaminayo,” ayuu Çelik hadalkiisa ku daray. “Siyaasadda Macron waxay taageereysaa mucaaradka isku deyaya in ay xadaan sharciyadda iyo mustaqbalka dadka Libya. Waxaa si cad loo arki karaa, kuwa eedeynaya madaxweyneheena iyo kuwa ay taageradda Turkiga ee Libya hor-istaagtay in ay yihiin gumeysi cusub.”

Warka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa yimid kadib markii uu Macron isniintii ku eedeeyay in Turkiga uu cayaar halis ah ku dheelayo Libya taasi oo khatar ku ah gobolka oo dhan.

Xiisadda u dhaxaysa Ankara iyo Paris ayaa korortay sanadkii lasoo dhaafay, markii Madaxweynaha Faransiiska uu sheegay in hadii aysan NATO jawaab ka bixin howlgalka argagixiso la dirirka ee Turkigu ka wado Woqooyiga Syria ay muujineyso in maskaxda xulifadu ay dhimaneyso.

Xiisadda Ankara iyo Paris waxay kasii dartay todobaadkii lasoo dhafay markii Faranisiisku dhaleeceeyay “gardarro halis” ah oo maraakiibta Turkigu u geysteen kuwa Faransiiska ee ka tirsan howlgalka NATO ee Mediterranean, taasi oo Ankara ay ku tilmaantay mid aan “sal lahayn.” Macron ayaa tilmaamay in taas caddeynteedu ay NATO quseyso.