JUBALAND oo qaadacday xeerka doorashooyinka ee horyaalla baarlamanka

Kismaayo (Caasimada Online) – Jubaland ayaa taageertay qoraalkii kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare ee lagu sheegay in xeerka doorashooyinka ee horyaalla golaha shacabka uusan ahayn kii saxda ahaa ee lagu heshiiyey.

“Qaraarka ka soo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare waxa uu ka turjumayaa arrimo masiiri ah oo saameeyn ku leh Dowlad Goboleedyada ee uu Aqalka Sare wakiilka ka yahay, sidaas darteed, Dowlad Goboleedka Jubaland waxay soo dhoweyneysaa qaraarka maanta uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ee tix-raaciisu ahaa XG/428/B-10/20,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Jubaland.

Dowlad Goboleedka Jubaland ee Soomaaliya ayaa dalbatay in Golaha Shacabka ee Fedaraalka uu hakiyo aqriska, ka doodista iyo u codeynta dhamaan xeerarka ku xusan warqadda uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo xeer walba oo saameyn ku leh hannaanka doorashada heer federaal ee 2020/2021.

Waxay sidoo kale dalbatay in Golaha Shacabka Aanu gudbin xeerarka doorashada iyo xeer kasta oo saamaynaya arrimaha masiiriga ah inta laga galayo wada-tashi u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Jubaland ayaa shaacisay inaysan aqbali doonin, qeybna ka noqon doonin fulinta sharci ama xeer doorasho kasta oo ka soo baxa Golaha Shacabka oo aan ku iman wada tashi iyo xal siyaasadeed oo ay wada gaaraan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah, iyo Saamileyda Siyaasadda Qaranka. 

Hoos ka aqriso qoraalka Jubaland oo dhameystiran