Wim van Hattum: Madaxda 2-da guddi waan u sheegnay in midnimadu ka af-badan tahay kala qaybsanaanta

Magaalada Zwolle oo ka mid ah Magaalooyinka ay dagan yihiin jaaliyadaha Soomaalida ee waddanka Nederlands, waxaa muddo ku dhow 2 sanno ka taagan khilaaf kala qaybsanaan jaaliyada dhexdeeda ah taas oo dad badan oo waxgarad ah niyad-jab ay ka muujiyeen.

Khilaafkani, wuxuu  dhashay markii guddi metala jaaliyada oo muddo 10 sanno ah uu guddoomiye u ahaa C/qaadir Cali oo loo yaqaan [Nuune] iyo xubno ka tirsan isla guddiga uu soo kala dhexgalay khilaaf sababay in 3 xubnood oo guddigaasi ka tirsanaa ay dhinac u baxaan, xilkana ka qaadaan guddoomiyaha oo cod aqlabiyad leh ay ku doorteen inta ugu badan Soomaalida dagan Zwolle iyo nawaaxigeeda.

Saddexda xubnood ee guddiga ka tirsanaa, xil ka qaadistana ku sameeyey Guddoomiyihii jaaliyada ayaa  u doortay Axmed Hayaan inuu jaaliyada madax ka noqdo, taas oo xubnihii kale ee guddiga ka tirsanaa ay u arkeen tillaabo shari darro iyo qar iska xoornimo ah, iyaga oo  qaadacay xil ka qaadistaas, sheegayna in ay hogaanka jaaliyada u aqoonsan yihiin C/qaadir, waxaana ay taasi sababtay in 2da guddi oo magaalo qura wada dagan ay 2 goobood kala dagaan, dhinac waliba na uu howlihiisa si habsami leh u wato.

Guddiga uu madaxda u yahay C/qaadir Nuune, ayaa haysta aqlabiyadda ugu badan ee jaaliyada sida ay dad badani ictiqaadsan yihiin, haddana qudhiisa waxaa daba socda eedo badan oo loo jeedinayo iyada oo la leeyahay; waa shaqsi keligii ku muraad-qunsada magacii jaaliyada, oo aan doonayn in ay garbihiisa soo buuxiyaan dad aqoon leh, shirarka uu Soomaalida ku metalo na uu kaligii tago, iskana ilaaliyo inay guddiga la soo galaan dad aqoon ahaan u diyaarsan.

Guddiga kale ee uu hogaamiyo  Axmed Hayaan, inkastoo marka la barbar dhigo dhinaca kale  aad looga tiro badan yahay, haddana waxaa aad loogu ammaanaa inay waqti iyo juhdi badan geliyaan in ay caawiyaan caruurta Soomaalida, oo  maalin walba oo Axad ah  ay ka caawiyaan casharada iskuulaadka iyo barashada dhaqanka iyo diinta, sidaas oo ay tahay  qudhoodu ma dhaliil la’a, waxaanna lagu dhaliilaa:  in  ay yihiin   dad fara ku-tiris ah oo gaar uga baxay jaaliyada, markii ay qoonsadeen taageerada iyo kalsoonida ay jaaliyada ku qabaan C/qaadir Nuune oo ah shaqsi aalaaba caawiya qof kasta oo Soomaali ah xittaa haddii uu la soo xiriiro habeen-barkii.

Cabbaas Cali Nuur, wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii aasaasay jaaliyada muddo 26 sanno ka hor, isaga dhowr jeer isku dayay inuu u kala dab-qaado  2da dhinac, si loo soo celiyo midnimadii iyo wadajirkii ay jaaliyadu muddo ka badan 20 sanno ku soo caana-maalaysay, hasse ahaatee isku dayga iyo niyad-samida Cabbaas waxa ay meelmar noqon waysay markii 2da daraf uu daraf kastaba ka meermeeray in la isku yimaado.

“Khilaafka waxaa dhaliyey is afgaran waa u dhexeeya Axmed Hayaan & C/qaadir Nuune, haddii khilaafku yahay wax shaqsi ah xal looma heli karo, hadduu khilaafku yahay danta & maslaxada Soomaalida waxaan oran lahaa waxyaabaha aan isku khilaafsanahay aan iska deyno, oo waxyaabaha aan ku middeysanahay aan isla qabano, kana hormarino danta gaar ah. Dadkii ayaa u kala baxay dad kala raacsan 2-da dhinac, sababtaas waxeey dhalisay in xal loo waayo dhexdhexaadinta & middeynta ururka Jaaliyadda” Ayuu yiri Cabbaas.

Dhinaca kale, Maamulka degmada Zwolle [Gemeentehuis], oo ku soo baxay khilaafka 2da dhinac ee Soomaalida ayaa u xilsaaray Wim van Hattum, xalinta khilaafkaasi.

Wim, wuxuu sheegay in kala qaybsanaanta guddiga jaaliyada ay sabab u noqonayso dib u dhac soo wajaha kalsoonidii iyo fursadihii degmadu ay siin lahayd dadka Soomaalida ah.

“Wax badan ayaa lagu gaari karaa midnimadda, dadku marka ay wada socdaan degmadu waxay siisaa fursado wax loogu qabanayo mushtamaca ay matalaan, fursadahaasi waxaa ka mid ah; tababaro, wacyigelin, guddiga uu metelo Axmed waxay ka faaídeysteen fursado xirfad loogu samaynayo, wuxuuna ahaa barnaamij guul ku dhammaaday” Ayuu yiri Wim van Hattum, isaga oo ku ammaanay Guddiga uu madaxda u yahay Axmed Hayaan kuwa waxqabadkoodu muuqdo, isla markaanna fursadihii ay maamulka degmadu siiyeen kaga faa’ídeystay sidii loogu talogalay.