Askartii la geeyey Eritrea ‘oo dhowaan lasoo celinyo si loogu qabsado’ saddex magaalo

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa shaaciyey qorshe uu sheegay in dowladda federaalka ay kumanaan askar ah uga dejinayso magaalooyin ay kamid yihiin Baydhabo, Muqdisho iyo Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in ujeedka askartaas loo geynayo magaalooyinkaas ay tahay sidii madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dalka u galin lahaa dagaal ahli ah, islamarkaana uu xoog ugu qabsan lahaa, sida uu sheegay.

“Shalay markii Eritrea loo qaadayey waa la siray, waxaana loo sheegay in Qatar la geynayo oo ay noqonayaan askar ilaalisa ciyaaraha adduunka. Qaarkood iyagoo ajnabi u diriraya ayey dhinteen, halka kuwa kale ay ciqaab, cudur iyo gaajo dishay,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Dhowr kun oo kale ayaa dhowaan la soo wadaa, si dagaal ahli loo geliyo oo dalka xoog loogu qabsado. Qorshuhu waa in Baydhabo, Muqdisho iyo Gaalkacyo laga dejiyo, si Bu’aale, Muqdisho iyo Garawe loogu qabsado.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Farmaajo uusan aheyn shaqsi tallada dalka ku wareejinaya doorasho, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la iska qabto ka hor inta uu burbur u horseedin dalka.

“Soomaaliyey Farmaajo nin xukun nabad iyo doorasho ku dhiibaya maaha, ee waa in aan iska qabannaa inta uusan fidno weyn iyo dagaal sokeeye lugaha inoo gelin.”

“Waaliddiinta horay loo siray waa in aysan oggolaan in ubadkooda la halligo oo dabka lagu guro, inaguna waan la duubanahay sidii aan horay ula jirnay,” ayuu ugu dambeyntiina ku yiri qoraalkiisa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii