Xiisad dagaal oo ka taagan qeybo kamid ah Galgaduud

Balanbale (Caasimada Online) – Xiisad oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo Beeleed ee wada dega Gobolka Galgaduud ayaa saaka waxaa ay ka taagan tahay degaanka Turbi ee hoostaga Dagamada Balanbale ee Gobolka Galgaduud.

Shalay degaankaas waxaa ka dhacay dagaal socday dhowr Saacadood oo dhexmaray labada maleeshiyo Beeleed kaasoo markii dambe si iskiis ah u istaagay.

Sida ay dadka deegaanka sheegeen waxaa dagaalkii Shalay ku dhintay Saddex ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ka kala tirsan maleeshiyaadka dagaalamay.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo duleedka degmada Balanbale ayaa sheegaya in dhinacyada dagaalamay ay weli is horfadhiyaan, islamarkaana laga cabsi qabo in ay markale dagaalamaan.

Dadka deegaanka ayaa Caasimadda Online u sheegay in maleeshiyaadka dagaalamay ay kala helayaan gurmadyo, arrintaasi ayay sheegeen in ay cabsi badan ku abuurtay.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan xiisada ka tagaan degmada Balanbale.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii