Video: Askari sabab yaab leh Muqdisho ugu dilay hooyada sagaal carruur oo agoon ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ku dilay Faaduma Cali Cismaan (Faay Beeso) oo aheyd hooyo korsaneysay 9 carruur oo agoon ah, sida ay sheegeen ehelkeeda.

Askariga dilka geystay ayaa qori ku taagay carruurta hooyada uu dilay, muran kadib waxa ay Faaduma u sheegtay in ay ku dacweyneyso qofka uu ilaalada u ahaa balse inta aysan garaacin guriga ayuu ku furay rasaas.

“Ilmaha maxaad qoriga iiga taagtaa maad iiga dhaaftid mise taliyahaaga ayaan kugu dacweynayaa, ayay tiri, intaas kadib markii ay albaabka guriga sarkaalka daganaa ay garaacis ku bilaawdayna dhowr xabadood ayuu ku dhuftay oo caloosha, kilida iyo Minka ayey kaga dhaceen, ilmaheda markey soo baxeena baas ayuu ku furay oo Alle ayaa ka badbaadiyay, kadib asne wuu cararay oo wuu fakaday,” ayay tiri hooyo daris la aheyd marxuumada gardarada lagu dilay.

Ehelka Marxuumad Faaduma Cali Cismaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday in ay gacanta kusoo dhigto Askariga Dilka geystay ee baxsaday si caddaaladda loo horgeeyo.

“9 Carruur ah ayay guriga ku heysatay oo iyada ayaa u shaqeyn jirtay oo mas’uuliyaddooda qaadatay, waxa aan ka codsaneynaa Dowladda in caddaaladda la horgeeyo oo lasoo qabto askariga dilkaas geystay,” ayay tiri haweeney ehel la ah Marxuumad Faadumo Cali.

Dadka ku nool degmada Dharkiinleey ayaa dhacdaan si weyn uga argagaxay kuwaas oo dalbaday in dowladda Soomaaliya si deg deg ah cadaalad ugu keento dilka xaqdarada ah ee loo geystay hooyada la dagaalameysay korinta nolosha 9 caruur ah oo ay haystay oo agoon u badnaa.

Muqdisho maalmahii lasoo dhaafay waxay askarta dowladda siyaabo kala duwan oo bareer ah ugu dileen dad shacab ah oo aanan waxba galabsan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii