7 milyan oo Soomaali ah oo MASHRUUC cusub ku heli doona koronto bilaash ah

Washington (Caasimada Online) – Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey lacag dhan 150 milyan oo dollar oo malaayiin Soomaali ah looga caawinayo inay helaan koronto qiimo jaban ama iska bixiyaan biilasha korontada.

Mashruuca Soo-kabista Korontada Soomaaliya ayaa kordhin doona helitaanka korontada ee 1.1 milyan oo qoysas Soomaaliyeed ah ama 7 milyan oo qof, oo 3.5 milyan oo ka mid ah ay yihiin haween. 

Bankiga Adduunka ayaa sheegay in 9 milyan oo ka mid ah 15-ka milyan ee Soomaalida ah aysan haysan adeeg koronto, islamarkaana qiimaha korontada Soomaaliya uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya dalalka caalamka. 

“Helitaanka koronto qiimo jaban waa u muhiim yareynta saboolnimada, sababtoo waxay caawineysaa sare u qaadidda dakhliga qoysaska, waxay horumarineysa jawiga ganacsiga, waxayna abuureysa shaqooyin,” waxaa sidaas tiri Kristina Svensson oo ah agaasimaha Bankiga Adduunka ee Soomaaliya.

Mashruucan wuxuu dhameystirayaa barnaamijyada Bankiga Adduunka iyo saaxiibada kale ee caalamka ay ku hormarinayaan gaarsiinta adeegyada Soomaaliya,” ayey tiri. 

Sida lagu sheegay warbixinta Bankiga Adduunka, mashruucan ayaa sidoo kale sare u qaadaya adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada, isaga oo helitaan koronto ka caawin doona 205 xarumo caafimaad ah iyo 380 iskuul. 

90% korontada Soomaaliya ayaa waxaa laga helaa matooro yaryar oo ay leeyihiin shirkado gaar loo leeyahay, taasi oo aan ku filneyn baahida shacabka ee hadda iyo tan mustaqbalka, sida uu sheegay Bankiga Adduunka. 

“Mashruucan ayaa sare u qaadaya aqoonta iyo awoodaha ay kuwa bixiya korontada ku horumarin karaan adeegyadooda ayna ku dhisi karaan xal koronto oo ku dhisan tamarta la cusbooneysiin karo,” waxaa sidaas yiri Erik Fernstrom oo ah agaasimaha qeybta kaabayaahsa Bankiga Adduunka ee Koonfurta iyo Bariga Afrika.

Warbixintan Bankiga Adduunka ma sheegin habka loo maareyn doono lacagtan iyo haddii la marsiin dooono dowladda federaalka ama ururada aan dowliga aheyn.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii