CC SHAKUUR oo sheegay nooca doorashada ay rabaan Midowga Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta, ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha ee Soomaaliya, ayaa sheegay inaysan diidaneyn in la qabto doorasho, hase yeeshe ay kasoo horjeedan in la boobo doorashada.

Waxa uu sheegay in Midowga Musharaxiinta uu doonayo in dib loo soo celiyo awoodii beelaha iyo hanaankii hufnaanta doorasho ee lagu heshiiyay, islamarkaana fursad siman la siiyo musharaxiinta u tartameysa kuraasta.

“Waxaa rabnaa in la soo celiyo odayaashii dhaqanka ee la garanayay oo guddi beeleedka loo dhaafo inay xulaan ergada oo si xor ah dadka u tartami karaan, oo aysan jirin malxiis iyo cid kursi loo xirayo ay jirin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Kuraastii la boobay ee dhowr iyo labaatanka aheyd wax laga qabtay illaa hadda majirto marka laga reebo labo kursi oo la yiri doorashadoodii ha lagu celiyo, intii kale waxba lagama qabanin oo waa kuraas habraaca loo marin oo boob ku timid haddana waa lagu sii socda.”

Waxa uu intaas kusii daray inay rabaan in doorashada la hakiyo oo la saxo waxyaabaha qaldan, oo sida ay ku dhacayaan iyo habraacooda la isku wada raacsan yahay oo si hufan u dhacda.

“Doorashada ha la dadajiyo anaga ayaa niri, laakiin ha la boobo ma dhihin, waxaa diidanahayna waa boobka. Doorasho har cad la is boobayo ayaa socoto, waxaa rabnaa doorasho daah-furnaan ah oo boobka la joojiyo.”

Waxa uu intaas kusii daray in kuraasta soo baxay, gaar ahaan kuwa Golaha Shacabka ay doorashadooda ku dhacday hab ka baxsan habraaca, islamarkaana ku dhisan boob ay qeyb ka yihiin maamulada dalka.

“Anaga waxaa fursad siinay in wada-hadal iyo sixitaan la aado, haddii la diido in la qabto doorasho xalaal ah oo lagu tartami karo, waxaa ka tashaneyn sidii sharciyada lagu soo celin lahaa, wixii ka dambeeya haddana kalama hadleyno doorasho, waxaa qaadeyna waxa dadka Soomaaliyeed ku taliyaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay ku kala duwan yihiin habraaca iyo shuruucda, ayna midda Aqalka Sare uga aamusen ayaga oo madaxda maamulada ku takri-faleen, si hore loogu socdo doorashooyinka, hase yeeshe midda Golaha Shacabka ay ka madax-banaan tahay madaxda maamulada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii