SHARIIF oo sheegay khad cas oo aan laga gudbi karin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in marnaba la aqbali karin in meesha laga saaro xuquuqda iyo xoriyadda muwaadiniinta oo xaq dastuuri ah.

Waxa uu si adag u sheegay in khad cas oo aan laga gudbi karin ay tahay xoriyada muwaadinka, xilli doorashooyinka dalka ka socda qaar kamid ah muwaadiniinta lagu duudsiiyey xaqoodii sharciga ahaa.

“Xoriyada muwaadinka waa waxay la’aantood u duntay dowladnimadeenu oo ay illaa hadda u soo noqon laadahay, waxaa rabnaa in aan sheegno in arrintaas ay tahay khad cas oo aan la aqbali karin in laga gudbo,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

“Saraakiisha ciidamada, booliska ama nabadsugida waxay u taagan yihiin in amniga ay sugaan oo sharciga ilaaliyaan looma keenin oo looma abuurin in ay dad cabudhiyaan.”

Waxa uu intaas kusii daray in lagama maarman tahay xilligan lagu jiro doorashooyinka dhowridda xaquuqda aas-aasiga ah iyo in muwaadiniinta helaan fursad siman.

“Diinteenu waa xaqiijisay xuquuqda dadka, Dunida oo dhan meel adag ayay ka taagan tahay ilaalinta xorriyaatka,” ayuu sidoo kale yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay haddii la waayo xoriyaatka aas-aasiga ah ay ka dhigan tahay in dowladnimo jirin, taasi oo uu sheegay inay si adag uga soo horjeedan, ayna tahay lama taabtan in qofka xoriyadiisa laga qaado.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii