Astaantii koowaad ee dib u dhaca doorashada: Gudiga doorashada oo bil dib loo dhigay waqtigii la sugayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo ay tahay astaantii ugu horreysay ee muujineysa in doorashada dalka aysan ku dhici doonin waqtigeeda, ayaa guddiga joogtada ah ee labada aqal waxay bil ku dareen xilligii la filayey in guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka ay warbixintooda usoo gudbiyaan baarlamanka.

Guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Yarey ayaa la filayey inay 27-ka May ay Baarlamaanka ka horjeediso warbixinta ku saabsan doorashada dalka, xilliga ay dhaceyso iyo nooca ay noqoneyso.

Hase yeeshee Guddiga joogtada ah ayaa hadda u qabtay inay baarlamanka hor-timaado 27-ka bisha June, oo ah bil kadib waqtigii hore.

Guddiga joogtada ah ee golaha labada aqal, oo maanta Muqdisho ku shiray, ayaa sidoo kale isku raacay in 6-da bisha June uu si toos ah u furmo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka.

Marka uu furmayo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka ayaa waxyaabaha ugu horeeyo ee uu qaban doono waxaa ka mid ah inay shacabka u cadeeyaan nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta iyadoo horey loo magacaabay guddi isku dhaf ah kuwaas oo ka shaqeyn doono diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka doorashooyinka.

Go’aanka muddada bisha ah loogu daray waqtiga guddiga doorashada ayaa macnaheedu yahay in haddiiba xilligaas warbixintooda ay kusoo gudbiyaan ay 5 bilood oo kaliya ka hareyso bil ka hor muddo xileedka baarlamanka hadda jira, oo ah waqtiga ay tahay in doorashadu dhacdo, taasi oo wax aan caqliga galeyn ka dhigeysa in afar bil lagu qabto doorasho lagu soo xulo xildhibaanada cusub.

Xukuumadda hadda jirta ayaa sheegtay inay dalka ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah, taas oo shaqada guddiga kasii dhigeysa mid aan sahlaneyn.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa go’aanka maanta ku macneeyey inuu caddeyn u yahay in doorashada Soomaaliya aysan waqtigeeda ku dhici karin, iyo in cabsidii laga qabay muddo kororsiga xukuumadda iyo baarlamanka hadda jira ay u muuqato mid dhab ah.