Atarisho caan ka ah dalka Hindiya oo wadno xanuun u geeriyootay

Dubai  (Caasimadda Online) – Atirishadan caanka ahayd ayaa magaalada Dubai ku geeriyootay xili ay ka qayb galeesay xaflad aroos ama meher oo halkaas ka dhacday laguna casuumay iyada iyo qoyskeeda.

Sridevi tan iyo markii 4-jir ahayd ayay filim jilista ku dhex jirtay waxayna la shaqeesay shirkadaha luqadaha kala duwan filimada ku sameeyaan ee Hindiya ka jiraan amil, Telugu, Malayalam, Kannada iyo Hindi (Bollywood).

Sridevi waxaa loo tixgalin jiray inay ka mid ahayd atirishooyinka naadirka ah ee Boxoffice-ka guulo waa weyn ka gaari jireen ayagoon isku haleynin ama ku tiirsaneyn atoore caan ah.

Warbixinada waxay intaas ku darayaan in Sridevi ay la socdeen seygeeda Boney Kapoor iyo gabadheeda Khushi marka ay Dubai ku geeriyootay.

Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa bartiisa Twitter-ka Sridevi ku maamuusay kana tacsiyeeyay geerideeda kadiska ahayd wuxuuna yiri “Aadban uga xumahay inaan maqlay aqbaarta ah inay Sridevu geeriyootay, waxayna ahayd atirisho xirfadeeda aad u sareesay jiliin ahaan, shaqo ahaan iyo soo saare ahaan”

“Run ahaantii waan ku raaxeestay la kulankeedii mar aan dhawaan Hindiya socdaal ku tagay”

Maxaa Sridevi Ka Dhigay Atirisho Guusha U Saaxiib Ahayd?

Sanadii 1978 ayay bilaawday sameynta filimada ay hogaamiye ka tahay, waxayna si sahlan ku noqotay jilaayaasha taariikhda fanka Hindiya ugu awooda badnaa.

Mudo 50-sano ah oo ay fanka filim jilista ku jirtay waxay sameesay in ka badan 150-filim oo ay ku jiraan filimada Classic ah ama caanka ah sida Mr India, Chandni, ChaalBaaz iyo Sadma.

Sridevi oo door walbo sameyn karto sanadii 1997 ayay nasiino ka qaadatay filim jilista kadib markii xiligaas tiyaatarada loo saaray filimkii Judaai.

Sanadii 2012 ayay Bollywood-ka dib ugu soo laabatay ayadoo sameesay filimkii la wada jecleesatay English Vinglish.

Sanadii 2013 dowlada Hindiya ayaa Sridevi siisay bilada loo yaqaan Padma Shri oo ah bilada afaraad ee ugu darajo sareyso lana siiyo muwaadin Hindi ah.

BBC News Ayaan Kasoo Xiganay Warbixintaan Xiliga Aan Turjunay Labo Saac Ka Hor Ayay Soo Daabaceen….

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com