Sawirro: ATMIS oo howlgal nooc cusub ah ka billowday gobolka Shabeellaha Hoose

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada howlgalka ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda ayaa haatan howlgal nooc cusub ah ka bilaabay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu ballaarinayo waddooyinka muhiimka ah ee gobolkaas oo hoosta Koonfur Galbeed.

Ciidamada Uganda ayaa bilaabay jarista geedaha ku yaalla hareeraha waddooyinka, ayada oo adeegsanaya gawaari waa weyn.

Ujeedka ayaa ah si loo gududeeyo isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana ciidamadu ay jarayaan dhammaan geedaha soo galay wadooyinka mara halkaasi.

ATMIS oo ka hadashay arrintan ayaa sheegtay inay kala kaashaneyso maamullada deegaanka, si xal loogu helo dhibaatooyinka waddooyinka gobolka Shabeelaha Hoose.

“ATMIS waxa ay la samaynaysaa iskaashiyo saamayn leh maamullada maxalliga ah iyo bahwadaagta horumarinta caalamiga ah iyada oo la raacayo hindisiyaasha qaab-dhismeedka Mashaariicda Saamaynta Degdega ah iyo qaab dhismeedka iskaashiga rayidka iyo ciidamada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada ATMIS.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Iskaashiyadan waxay horseedaa horumar la taaban karo oo horumarinta kaabayaasha dhaqaale, sida ballaarinta wadooyinka muhiimka ah”.

Ciidamada ATMIS ayaa aad u isticmaaha waddooyinka ay haatan ku ballaarista, kuwaas oo qarka u saaran inay go’aan, sababo la xiriira geedo waa weyn oo kasoo baxay.

Dhinaca kale maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa boggaadiyay tallaabada ay qaadeen ciidamada ATMIS, waxayna sheegene inay dhankooda ka qayb qaadan doonaan.

Gobolka Shabeelaha Shabeelaha Hoose ayaa waxaa weli ku xoogan dagaalayahanada  kooxda Al-Shabaab, waxaana ka socda howlgallo culus oo saameyn ku yeeshay horumarkii gobolkaasi, maadaama muddo dheer ay ku dagaalamayaan labada dhinac.