Australia: Xog xasaasi ah oo Xasan Khaliif Shire ku saabsan oo la shaaciyey

Melbourne (Caasimada Online) – Booliska Dalka Australia ayaa sheegay in Xasan Khaliif Shire oo ahaa Soomaali saddex qof ku middiyeey magaalada Melbourne uu damacsanaa weerar kaas kasii halis badan oo ah inuu is-qarxiyo.

Baaritaan ay booliska sameeyeen ayey shalay ku shaaciyeen magaca Ninkan Soomaaliga ah, kaas oo ay sheegeen in uu xiriir la lahaa Ururka Daacish ee Syria. Daacish ayaa waxyar kadib weerarkii uu geystay soo saartay qoraal ay ku sheegatay mas’uuliyadda.

Saraakiisha baaritaanka waday ayaa sheegay in Xasan 2015-kii laga nasakhay baasaboorkiisa, markii looga shakiyay in uu damacsanaa in uu ku aado dalka Syria, si uu halkaas uga dagaalamo.

Xilligaas wixii ka dambeeyay Booliska ayaa Ninkan dabagal ku hayay, waxaana uu Jimcihii la soo dhaafay middi ku dhuftay seddex qof oo uu afduub ku qabsaday, kuwaas oo uu midkood dhintay.

Ninkan ayey Boolisku sheegeen in weerarkaas kaddib qorshihiisu ahaa in uu is qarxiyo markii uu dadka laayay kaddib laakiin dhaawac soo gaaray uu Isbitaalka ugu geeriyooday. Wuxuu watay baabuur ay ka buuxaan haamaha gaaska guryaha, si uu u qarxiyo.

Ururka Daacish ayaa bartooda Internetka ku sheegtay in Xasan Khaliif Shire uu ka tirsanaa iyagam, islamarkaana weerarkaas iyaga u fuliyay,waxaase aysan soo bandhigin caddeyn muujineysa in uu ka tirsanaa.

Caasimada Online
Xafiiska Melbourne 
Caasimada@live.com