27.4 C
Mogadishu
Friday, June 6, 2025

Awoodda Nukliyeerka ee Ruushka oo la wiiqay kadib weerar dunida ka yaabiyey

Bookmark
Bookmarked

Share

Moscow (Caasimada Online) – Ciidamada Ukraine ayaa Axaddii si lama filaan ah u gilgilay milatariga Ruushka, kadib markii ay burburiyeen ama waxyeeleeyeen tobannaan diyaarado ku nukliyeerka xambaaro ah iyo kuwo kale, weerarro qorshaysan oo qarsoodi ahna ku qaadeen saldhigyo ciidan oo si weyn uga fog xuduudda kuna yaalla gudaha Ruushka, sida ay sheegtay Kyiv.

Xitaa bogagga taageersan milatariga Ruushka ayaa weerarkan — oo loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo laga dhex bilaabay gaadiid xamuul ah — ku tilmaamay “Pearl Harbor-kii Ruushka.”

Weerarkaasi ayaa dhacay maalin uun kahor kulanka la filayay in madaxweynayaasha Ruushka iyo Ukraine ku yeeshaan Istanbul, oo qeyb ka ah wadahadallo xabbad-joojin ah oo Mareykanku garwadeen ka yahay.

Hawlgalka oo ay fuliyeen ciidamada sirdoonka gudaha ee Ukraine (SBU) ayaa lagu beegsaday 41 diyaaradood oo ah kuwa waaweyn ee dagaalka, waxaana loo adeegsaday diyaarado FPV ah oo lagu hago muuqaal toos ah. Saldhigyadan la weeraray ayaa ku kala yaallay afar meelood oo si weyn uga durugsan xuduudda Ukraine — kun iyo kun mayl u jira aagga dagaalka.

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in diyaaradaha la burburiyay — kuwaasoo intooda badan uusan Ruushku hadda awood wax soo saar u lahayn — qiimahooda la qiyaasay ugu yaraan $7 bilyan.

Diyaaradahan oo loogu talagalay in ay qaadaan gantaalaha nukliyeerka ayaa qeyb muhiim ah ka ah awoodda Ruushka ee hanjabaadda nukliyeerka, waxaana markii hore loogu talagalay in ay burburiyaan Mareykanka iyo Yurub haddii dagaal buuxa dhaco.

Ukraine waxay sheegtay in diyaaradahaas hadda loo adeegsanayo weerarro gantaal oo ka dhan ah dalkaasi. Mas’uuliyiinta Kyiv waxay sheegayaan in weerarkan lagu burburiyay in ka badan saddex-meelood meel diyaaradaha istaraatiijiyadeed ee Ruushka.

Warbixinnada ayaa sheegaya in diyaaradaha la beegsaday ay ka mid yihiin TU-95 “Bear” oo ah diyaarado nukliyeer qaada, TU-22 “Backfire” oo ah kuwo weerar degdeg ah fuliya, iyo A-50 “Mainstay” oo ah diyaarado talis iyo kormeer.

Mid ka mid ah saldhigyada la weeraray ayaa ku yaalla gobolka Irkutsk ee Siberia, qiyaastii 2,500 mayl u jirta xuduudda Ukraine.

Saldhigyada kale ee la beegsaday waxay ku kala yaallaan Murmansk oo ku yaalla Arctic-ga, Ryazan oo koonfur-bari kaga beegan Mosko, iyo Ivanovo oo waqooyi-bari kaga yaalla caasimadda Ruushka.

Hawlgalka oo loo bixiyay magaca “Howlgalka Shabaq Caaro” (Operation Spider’s Web) ayaa la sheegay in la qorsheynayay muddo 18 bilood ah, wuxuuna, sida ay sheegtay Kyiv, dhabar-jab weyn ku yahay awoodda Ruushka ee weerarrada gantaalaha fog-fog ku qaada magaalooyinka Ukraine.

Muuqaallo la faafiyay ayaa muujinaya diyaarado waaweyn oo holcaya oo dab qabsaday, kuwaasoo saf u yaalla mid ka mid ah saldhigyada weerarka lagu qaaday.

Muuqaal kale oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaarado FPV ah oo hawada u kacaya, iyagoo kasoo duulaya baabuurro xamuul ah oo yaalla meel u dhow saldhigyada Ruushka.

“Iyadoo SBU ay marki hore ku gudbisay drones-kan gudaha Ruushka, ayaa markii dambe lagu qariyay saqafka qolal alwaax ah oo lagu dhisay baabuurro. Waqtiga la qorsheeyay markii la gaaray, saqafyadii ayaa si fog looga furay, waxaana diyaaradahaasi si toos ah ugu duuleen bartilmaameedyadii Ruushka,” ayuu yiri ilo wareed u warramay Kyiv Independent.

Ukraine waxay sheegtay in weerarku uu jawaab u ahaa duullaankii drone-ka ee ugu weynaa ee uu Ruushku ku qaaday dalkaasi tan iyo bilowgii dagaalka, iyadoo la sheegay in Ruushku adeegsaday 472 diyaaradood iyo toddobo gantaal oo iskugu jiray ballistic iyo cruise. Mas’uuliyiinta Ukraine waxay sheegeen inay ka hortageen 385 bartilmaameed oo cirka ah.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa si toos ah ula socday hawlgalkan, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo u warramay Kyiv Independent.

Zelensky ayaa ku faanay bartiisa Telegram in xarunta laga hagayay weerarka ay si aad ah ugu dhaweyd dhismaha ay degan yihiin sirdoonka Ruushka (FSB).

“Falalkan ay Ukraine qaaday waa kuwo shaki la’aan ku geli doona buugaagta taariikhda,” ayuu yiri.

“Hal sano, lix bilood iyo sagaal maalmood — intaas ayay nagu qaadatay in aan qorshayno hawlgalkan, ilaa aan si dhameystiran u hirgelinay. Waa weerarkeennii ugu fogaa. Dadkeennii qaybta ka ahaa diyaarinta howlgalka si nabad ah ayaa looga saaray gudaha Ruushka ka hor inta aan la bilaabin,” ayuu raaciyay.

Ka hor weerarka, Andriy Yermak oo ah madaxa shaqaalaha Zelensky, ayaa bartiisa X soo dhigay astaanta (emoji) shabaq caaro ah.

Kyiv kama aysan wargelin Aqalka Cad weerarka kahor, sida ay u sheegeen ilo wareedyo sugan oo ku sugan Kyiv iyo Washington, warbaahinta Axios.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Moscow iyo Kyiv inay heshiis wada gaaraan si loo soo afjaro dagaalka saddexda sano socday, balse weerarkan ayaa laga yaabaa inuu sii adkeeyo wadadii nabadda.

Ukraine waxay sheegtay in ay diyaar u tahay wadahadal nabadeed, balse ay sugaysay qoraal rasmi ah oo ka yimaada dhanka Ruushka, kaasoo qeexaya mowqifkiisa, kahor inta aysan oggolaan kulanka la qorsheeyay Isniinta maanta ah.

“Si kulan u noqdo mid miro dhal ah, ajandihiisa waa inuu si cad u qeexan yahay, wadahadalladana waa in si dhab ah loogu diyaargaroobaa,” ayuu Zelensky ku qoray bartiisa X Jimcihii.

“Nasiib darro, Ruushka wuxuu u muuqdaa mid ku dadaalaya in kulanka xiga uusan natiijo wax ku ool ah keeni doonin,” ayuu raaciyay.

Zelensky wuxuu si cad u sheegay mowqifka Kyiv, isagoo dalbaday xabbad-joojin buuxda oo aan shuruud lahayn, sii daynta maxaabiista, iyo in carruurta la afduubay dib loo soo celiyo.

Ruushka ilaa hadda wuxuu diidanaa xabbad-joojin buuxda, wuxuuna jeediyay shuruudo ay Ukraine si toos ah u diidday.

Dhanka kale, weerarro kale oo ka dhacay xuduudda u dhow Ukraine ayaa sababay burburka laba buundo, waxaana weerarradaasi lagu eedeeyay falal curyaamin ah, iyadoo ugu yaraan toddobo qof ay ku dhinteen, sida ay sheegeen baarayaal Ruush ah.

- Advertisement -

Read more

Local News