Axmadey Siidow Cisman oo maanta lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka caasimada lagu dilay Oday ganacsade ahaa oo sidoo kalena Guddoomiye ka ahaa hay’ad maxali ah oo ka howl-gasha dalka.

Dabley ku hubeysneyd baastoolado ayaa toogtay ganacsadahan oo lagu magacaabi jiray Axmaday Siidow Cismaan, oo xiligaasi uu ku sugnaa goob uu ku dhacayay Meher oo ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha.

Axmaday ayaa guddoomiye ka ahaa Hay’ad lagu magacaabo B.O.D oo maxaliya, isagoo sidoo kalena ahaa ganacsade caan ah, sida ay dadka deegaanka u sheegen Caasimada Online.

Raggii fuliyey dilkan ayaa iskaga baxsaday goobta, iyada oo halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan dowladda oo howl-galo lagu baadi-goobayo dableydaasi ka bilaabay deegaanka Ceelasha Biyaha iyo duleedka Muqdisho.

Mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkan iyo sababta ka dambeysay, iyada oo maalmihii u dambeeyay ay duleedka Muqdisho kusoo badanayeen dilalka noocan ah.

Si kastaba, Dilalka qorsheysan ee noocan ah ayaa inta badan waxa gudaha Soomaaliya ka fuliya dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo inta badan ka hadalkooda ay ka gaabsato dowladdu.