Axmed Abul-Qeyd: “Soomaaliya waa in la siiyaa taageero dhab ah”

Qaahira (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Abul-Qeyd oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ka wada hadlay Xaaladda Soomaaliya ay xiligaan ku jirto.

Waxa ay si gaar ah ugu wada hadleen:- Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada iyo xiligaan sidii Dowladda Federaalka ay baahi ugu qabto in laga taageero.

Xubnaha ururkaan Jaamacadda Carabta ku jira ayuu Xoghaye Axmed sheegay in uu ka dalbanayo ka qeyb qaadashada doorka kaga furan arrintaan.

Abul-Qeyd ayaa qorsheynaya in uu Madaxda Jaamacadda Carabta ee shirkooda 29-aad Riyadh ku yeelanaya 15-ka bishaan in uu horgeeyo qorshe ku aadan in taageero dhab ah la siiyo Dowladda Soomaaliya.

Maxamuud Yaasiin Al-Cafiifi Afhayeenka Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in Xoghaye Axmed Abul-Qeyd uu deeq bixiyaasha u diray dambaal furan oo ku aadan in Soomaaliya ay hesho gurmadka ay u baahan tahay.

Axmed Abul-Qeyd ayaa ahaa Wakiilkii Xoghayaha guud Jaamacadda u qaabilsanaa Doorashadii lagu soo doortay Madaxweyne Farmaajo ee dhacday sanadkii tagay 2017-kii, waxa uuna inta Soomaaliya uu joogay u door-galay Arrimaha Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, Abaaraha iyo dib usoo kabashada Soomaaliya.