Axmed Baasto oo golehiisa wasiirada ku dhowaaqay

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha ay dhawaan ay Cadaado ku doorteen garabka xildhinaabada maamulkaas ee kasoo horjeeda madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa ku dhawaaqay golohiisa wasiirada.

Axmed Maxamuud Xasan oo ku magac dheer Baasto ayaa shaaciyey 11 xunood oo noqonaya golihiisa xukumaddiisa, aan la aqoonsaneyn. Arritan ayaa lagu faafiyey digreeto qoraal ahayd oo ay heshay Caasimadda Online.

Tallaaabadan waxa ay uga sii dareysaa khilaafka Glamudug oo dhawaan u muuqday mid gaaray heer aan waxba laga qaban karin.

Sidoo kale waxa ay ku soo aaday xilli garabka Dhuusomareeb ee madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ay dhabar jab kala kulmeen Ahlu Sunna Wal Jamaaca kaddib markii uu Sheekh Axmed Shaakir ku biiray kooxaha taageersan Villa Somalia.