Aqalka Sare ee Soomaaliya oo qaaday tallaabadii ugu horeysay ee lagu xalinayo khilaafka DF & maamulada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta kulankooda uga hadlay arrimo badan oo muhiim ahaa,

Ajanadaha Maanta Waxaa uu Ahaa:

  1. Warbixinta Guddoomiyaha shirarkii uu la yeeshay madaxda hay/addah Caalamiga ah
  2. Muddaynta xogwaraysi Golaha la yeesho Raiisal Wasaaraha JFS.
  3. Diyaarinta ajandaha Kulanka Axadda ee Golaha Aqalka Sare.
  4. Dhegeysiga soojeedinta Guddiga Haweenka Baalamanka ee Aqalka Sare.
  5. Warbixinta Guddoonka dhexdhexaadintii khilafka DFS & DXDF.

Ugu dambeyntii, xogheyaha aqalka oo saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in guddiga joogtada ah uu warbixin la xiriirtay jawaabihii xukuumadda federaalka ah iyo maamul goboleedka la wadaagay guddoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi Xaashi, intaasi kadibna la magacaabay guddi arrinta khilaafka wax ka qabto, kaas oo weli aan la sheecin magacyadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com