Ciidamo gadoodsan oo la wareegay maanta garoonka diyaaradaha ee Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ciidamo ka gadooday Mushaar la’aan ayaa goor dhaw la wareegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe ee General Maxamed Abshir.

Ciidankaan ayaa lagu soo waramayaa inay ka soo baxeen furinta dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaasi oo bilihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen.

Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaayo Sarkaal lagu magacaabo Col. Sumaysane oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland ee furinta dagaalka Tukaraq ku jiray.

Xaaladda Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ayaa kacsan, ciidamada ayaana gudaha u galay Garoonka, inkastoo aanan la soo sheegin rasaas ay rideen ciidanka.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku fashilanay bixinta Mushaaraadka Ciidamada oo muddooyinkii dambe ciidamo kala duwan ay ka cabanayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com