Jawaari oo 6 bil kadib soo xaadiray xilli uu olole culus uu ka socdo MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa maanta muddo Afar sano iyo Bar kadib ku fariistay Kursiga Xildhibaanada ay ku fariistaan ee golaha Shacabka isaga oo Xildhibaan ah.

Maxamed Cusmaan Jawaari ayaanan lix bilood xaadirin kulanka xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka, waxaana uu ku maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu tagay kadib iscasilaadiisii Bishii April ee sanadkan.

Jawaari, ayaa ka qeyb galay kalfadhiga Afaraad kulankiisa 21 aad oo arrimo badan looga hadlayay, waxaana socdo kulamada looga hadlayo wax ka badalka xeer hoosaadkii uu ku dhaqi jiray golaha Shacabka.

Guddoomiyaha xilka kala wareegay Jawaari ayaa dhawaan digniin u diray xildhibaanada fasax la’aanta isaga maqnaa dalka Dibadiisa, isagoo u qabtay inay muddo kooban dib ugu soo laabtaan dalka kana qeyb galaan kulamada baarlamaanka.

Imaanshihiisa ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin xildhibaano ka tirsan baarlamanka Koonfur Galbeed, oo dowladda ay u yeertay, kuwaas oo qeyb ka ah olole looga adkaanayo Shariif Xasan.

Ma cadda weli in Jawaari qeyb ka yahay ololaha, balse waxaa jira warar Muqdisho aad looga hadal hayo oo sheegaya inuu la safan yahay Cabdi Casiis Lafta-Gareen oo dowladda ay wadato, inkastooo aan la xaqiijin karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com