Muxuu ERGEYGA QM kala soo kulmay C/Weli Gaas?

Garoowe (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Haysom ayaa maanta booqashadiisa u horeysay ku tagay magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Socdaalka Danjire Nicholas Haysom ayaa qeyb ka ahaa safaro maalmihii la soo dhaafay uu ku tagayay xarumaha maamul goboleedyada, isagoo raadinaya xal u helida khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Kulan gaar ah oo albaabada u xirnaa ayaa waxay Madaxtooyada Garowe ku wada qaatay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo Wafdigii uu hoggaaminayay Nicholas Haysom, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda Soomaaliya, amniga iyo taageerada Beesha Caalamka.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir u qabteen, waxaana Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu sheegay in Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ay markii u horeysay tahay uu soo booqdo Puntland, isla markaana Puntland u tahay wanaag.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey inay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda Soomaaliya ee cakiran, kala aragti duwanaanshaha Dowladda Federaalkaiyo maamullada dalka, arrimaha amaanka, siyaasadda iyo tageerada beesha caalamka ay siiso Soomaaliya.

Sidoo kale Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa dhankiida sheegay in Madaxweynaha Puntland kala hadleen arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wanaajinta wada shaqaynta dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada.

“Waaxan ku faraxsanahay inaan markii ugu horaysey imaado Puntland, waaxaan ka wada hadalnay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kaleba arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wada shaqaynta beesha caalamka iyo Soomaaliya, caqabada ka dhexjira dowladda dhexe iyo dowladdaha Xubnaha ka ah, xasiloonida, nabadda iyo ka faa’iidaysiga fursadaha” ayuu yiri Ambassador Nicholas Haysom.

Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa horay booqasho ugu tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koofur Galbeed, sidoo kale waxaa uu dhowr cisho ka hor kula kulmay Muqdisho Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com