Masuuliyiintii ku eedeysnaa musuq maasuqa oo maanta ay maxkamadda gobolka Banaadir go’aan ka gaartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo gabo gabeysay dhageysiga dacwad loo heystay sagaal eedeysane oo ay ku jireen masuuliyiintii kastamka dekadda magaalada Muqdisho.

Sagaalka xubnood ee maanta maxkamadda gobolka Banaadir ay go’aanka ka gaartay ayaa la xiray bishii Agoosto ee sanadkaan, waxaana markii ugu horey ay maxkamad kasoo muuqdeen bishii September, iyadoo maanta dacwadooda lasoo gabo gabeeyay.

Masuuliyiinta kala duwan ee go’aanka laga gaaray waxaa kamid ah Axmed C/llaahi Samow oo ah madaxa fursada ee dekada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa jira Go’aano laga gaaray 2 eedeysane oo ka tirsan Wasaaradda Wasaarada Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya.

La soco Goordhow Go’aanka maxkamadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com