NISA oo ku dhawaaqday inay hakisay qandaraasyo malaayiin dollar dhan

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa goor-dhow ku dhawaaqay inay hakisay qandaraasyo malaayiin dollar dhan, oo baxay sanadihii lasoo dhaafay.

Qoraal kooban oo ay hay’adda soo dhigtay barta twitter-ka ayey ku sheegtay in qandaraasyada uu bixiyey wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Sida ay hay’adda sheegtay qandaraasyada la hakiyey ayaa loo gudbiyey hanti-dhowrka guud ee qaranka, si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso.

NISA ma bixin faah-faahin intaan dhaafsan. Goor dhow naga fisha xog buuxda oo arrintan ku saabsan Insha Allah.


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com