Xog: Rajada Calool Kuus iyo Fargeeti ee doorashada K/Galbeed oo aad u liidata

Baydhabo (Caasimadda Online) – Ololaha Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa marayo meel xasaasi ah, waxaana isbadal ku imaaday filashadii laga qabay doorashada iyo cidda kusoo bixi doonto.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay waxaa jiro musharixiin dhawr ah oo ka quustay u tartamidda Kursiga Koonfur Galbeed maadaama ay soo meesha soo galeen Musharixiin awood leh oo ay wadato Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Musharixiinta ku dhow inay ka tanaasulaan u tartamidda kursigaan ayaa waxaa kamid ah Maxamed Aadan Fargeeti oo horey usoo noqday Wasirka Maaliyadda.

Fargeeti oo markii hore kamid ah Musharixiinta ugu cad cad doorashada ayaa lasoo sheegayaa inuu hadda ku jiro xaalad walwal ah kadib markii ay ballanta uga baxeyn Xildhibaan iyo Musharixiin markii hore ku dhiiragelinayey inuu isku soo taago xilkaan.

Fargeeti oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inuu Axadda Berri ah u dhoofo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur Galbeed, waxaana laga yaabaa inuu halkaas kaga dhawaaqo inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa maadaama uu kalsooni ka waayey Xildhibaanadada.

Sidoo kale musharax Xuseen Calool kuus ayaa isna wajahayo cadaadis weyn, mana jirto kalsooni buuxda oo uu ku qabo inuu xilkaas u tartamo inkastoo ay wadato Dowladda Soomaaliya.

Xuseen Calool Kuus ayaa ah dooqa labaad ee Musharixiinta Dowladda ay wadato, waxaana kaalinta koowaad kasoo galay Cabdicasiis Lafta Gareen oo ah Siyaasi si weyn ugu xiran Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay Magaalada Baydhabo ka dhacdo 17 Bishaan waxaana xilkaas u taagan illa 8 Musharax oo ay ku jirto hal haween ah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com